Muuse Biixi oo xilkii ka qaaday guddoomiyihii gobolka Sool

 

Madaxweynaha Somaliland,Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Somaliland,Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xilka ka qaaday guddoomiyihii gobolka Sool ugu magacownaa Somaliland,Cabdi Khayre Dirir.

Digreeto ka soo baxday xafiiska madaxweyne Muuse Biixi oo ku taariikhaysan 31 July eek u beegan arbacada maanta ah ayaa lagu yiri”Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay ee Guddoomiyaha Gobolka Sool”.

Digreetada xilka looga qaaday,Cabdi Khayre Dirir ayaa sidoo kale guddoomiyaha cusub ee gobolka Sool loogu magacaabay,Cabdirashiid Xuseen Cabdulle(Gargaar),waxaana guddoomiyihii hore lagu amray in uu si niyad-sami ah xilka ugu wareejiyo ninka cusub ee la magacaabay” Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad-sami ah ugu wareejiso Mudane, Cabdirashiid Xuseen Cabdille (Gargaar) oo ah Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Sool”,ayaa lagu yiri digreeta.

Gobolka Sool oo ay isku-haystaan Puntland iyo Somaliland ayaa bilihii ugu dambeeyay waxaa ka socday kacdoon ay bulshada gobolkaasi ku diiddan yihiin maamulka Somaliland,islamarkaana ay uga dalbanayaan in ay ciidamadooda kala baxaan gobolka,gaar ahaanna  magaalada Laascaanood ee xarunta ah.

Muddaharaadyo waaweyn oo ka dhacay magaalada Laascaanood iyo degaanno kale oo ka tirsan gobolka Sool ayaa shacabku ku muujiyeen sida ay u diiddan yihiin joogitaanka maamulka Somaliland ee gobolkaasi,waxaana sidoo kale dagaallo culus ka dhaceen degaanka Tukaraq oo weli ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland iyo Somaliland.

Colaadda gobolka Sool ka aloosan ayaa ka dhalatay kadib markii ciidamada Somaliland ay qabsadeen degaanka Tukaraq 8 jennaayo ee sannadkaan 2018,xilligaas uu madaxweynaha Soomaaliya booqanayay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Somaliland ayaa qabsashada Tukaraq qiil uga dhigtay safarka madaxweyne farmaajo uu ku yimid Puntland iyo socdaal ka horreeyay oo wasiirka Qorshaynta Soomaaliya uu ku tegay degaanno ka tirsan gobolka Sanaag oo uu ka soo jeedo. Somaliland ayaa xilligaas dowladda Federaalka ku eedaysay in ay daan-daansi ka waddo degaannada SSC.

PUNTLAND POST