Qaramada Midoobay iyo IGAD oo la kulmay siyaasiyiinta Sool ee Somaliland

Wafdi ka socda Qaramada Midoobay iyo IGAD ayaa maanta magaalada Hargeysa kula kulmay siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Sool ee xilalka kahaya Somaliland, waxayna kawada hadleen colaada Takaraq ee u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland.

Wafdiga ka socda Qaramada Midoobay iyo IGAD waxaa hogaaminayey wakiilka gaarka ah ee IGAD ee arrimaha Soomaaliaya Dr. Mohamed Guyo iyo kuxigeen wakiilka gaar ah ee Qaramada Midoobay ee  Arrimaha Soomaaliya Mr. Raisedon Zenenga, halka siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Sool ee Somaliland xilalka kahaya uu hogaaminyay guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Baashe Maxamed Faarax.

Baashe Maxamed Faarax oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay wafdigan kawada hadleen afar qoddob oo ku saabsan arrinta Tukaraq, kuwaas oo kala ah, in xabadda la joojiyo, in maxaabiis leysdhaafsado, in arrimaha gargaarka la ogalaado iyo in muranka xuduuda laga wado hadlo.

Sidoo kale wakiilka gaarka ah ee IGAD ee arrimaha Soomaaliaya Dr. Mohamed Guyo ayaa isna sheegay in ay afartaas qodob kawada hadleen, ayna bari la kulmi doonaan Madaxweynaha Somaliland, Baarlamaanka, xisbiyada mucaaradka iyo ururada bulshada.

Wafdigan ayaa shalay magaalada Garowe kula kulmay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo qaar kamid ah xukuumadiisa waxayna kawada haldeen colaada Tukaraq iyo sidii xal nabadeed loo gaari lahaa.

Dhawaan ayaa Danjire Michael keating  Garowe ka sheegay in Qaramada Midoobay ay arrinta gobolka Sool ka telagelin doonto Odayaasha iyo dadka deegaanka si ay qayb uga noqdaan go’aan ka gaarista masiirkooda.

Danjire Michael keating  ayaa dhawaan  Garowe kula kulmay Issimada Puntland waxayna kawada hadleen arrinta Tukaraq.

Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxaa isku hor-fadhiya ciidamo Puntland iyo Somaliland ah, kuwaas oo labo jeer oo hore dagaal kharaar dhexmaray, waxaana hada laga cabsi qabaa dagaal mar kale dhexmara.

PUNTLAND POST