ONLF:- Farmaajo raali galin ayuu ka bixiyay dhiibistii qalbi dhagax

Ururka ONLF ayaa xaqiijisay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu raali galin ka bixiyay dhiibistii Dowlada Soomaaliya ay Itoobiya u dhiibtay Cabdikariin Qalbi-Dhagax.

Gudoomiyaha ururka ONLF Admiral Maxamed Cumar Cusmaan oo la hadlay Warbaahinta VOA-da ayaa arintaasi xaqiijiyay.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in isaga iyo madaxweyne Farmaajo ay isku arkeen Magaalada Asmara ee caasimada Eriteriya.

Admiral Maxamed Cumar Cusmaan Gudoomiyaha ururka ONLF ayaa sheegay in sidoo kale madaxweyne Farmaajo uu raali galin ka bixiyay in Dowlada Soomaaliya ay ururkooda u aqoonsatay Mid argagixiso.

Dowlada Soomaaliya ayaa Cabdikariin Sh. Muuse Qalbi-hagax oo ka tirsan ONLF ku wareejisay Dowlada Itoobiya sanad iyo bar ka hor.

Itoobiya ayaa dhowaan sii deeysay Qalbi-dhagax waxaana sidoo kale heshiis wada gaaray Dowlada Itoobiya iyo ONLF iyada oo ugu dambeeyntiina ONLF laga saaray Liiska argagixisada ee Dalka Itoobiya.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post, Muqdisho