Maxaad kala socotaa wadanka Safiirka loogu magacaabay Tarsan?

Maxamed Tarsan

Shirkii khamiislaha 26 July yeesheen golaha wasiirada dawladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa waxaa Maxamed Axmed Nuur Tarsan loogu magacaabay Safiir cusub, kaas oo aan la shaacin wadanka loo magacaabay.

Hadaba baaritaan aan samaynay waxaan ku ogaanay in Tarsan loo magacaabayo ama loo balan qaaday Safiirka Soomaaliya u fadhinaya dalka Kenya, inkastoo aan khamiistii go’aankii golaha lagu shaacin wadanka loo magacaabay.

Tarsan ayaa Safiirka Kenya loo magacaabayaa kadib markii ay odoyaasha iyo waxgaradka beesha Mudulood ee  uu kasoo jeedo ay kula heshiiyeen madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo sida ay xog lagu kasoon yahay sheegayso.

Beesha Mudulood ayaa dhowr cisho ka hor kula kulantay madaxweynaha Villa Somalia, halkaas oo ay kula heshiiyeen inuu Tarsan u magacaabo Safiirka Kenya.

Booska Tarsan loo magacaabayo ayaa waxaa horay u hayey wasiirka Qorshaynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo kasoo jeeda Beesha Harti Daarood, wuxuuna banaanaa in ka badan 18 bilood.

Dhanka kale wadamada la isku yiraahdo safka hore ee Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti ayaa waxaa lagu qaybsan jiray Safiirada loo magacaabayo 4.5, laakiin waxaad moodaa haddii Tarsan lagu daro in dhamaan wadamadaas ay qaadatay Beesha Hawiye taas oo ka hor imaanaysa awood qaybsiga ay Soomaalidu ku heshiisay.

Shirkii khamiistii ee golaha wasiirada Soomaaliya ayaa lagu magacaabay Saddex Safiir oo kala ah Maxamed Axmed Nuur Tarsan oo ka mid ahaa la taliyeyaasha Madaxweyne Farmaajo, Cabdirisaaq Shoole oo Agaasime ku xigeenka ka soo noqday madaxtooyada Soomaaliya iyo Cabdullaahi Maxamed Odawaa, kuwaas oo aan la shaacin dalalka loo magacaabay.

Tarsan ayaa horey u soo noqday duqa Muqdisho iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, wuxuuna kamid ahaa musharaxiintii u tartamayay doorashadii Soomaaliya 2017 ee uu ku guuleystay Madaxweyne Farmaajo.

PUNTLAND POST