Madaxweynaha Soomaaliya oo u ambabaxay Eriteriya

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goordhaw u ambabaxay magaalada Asmara ee dalka Eriteriya, halkaas oo ay uga bilaabanayso booqasho rasmi ah oo qaadaneysa muddo 3 maalmood ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay Asmara waxa uu wada hadallo la qaadan doonaa dhiggiisa dalka Eriteriya Mudane Asias Afawerki, waxaana diiradda lagu saarayaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, nabadgelyada iyo guud ahaan xasilloonida gobolka.

“Labada shacab ee Soomaaliya iyo Ereteriya waxa ay wadaagaan xiriir iyo sooyaal fac weyn. Booqashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee maanta ayaa waxay albaabada u fureysaa xiriir diblomaasiyadeed iyo iskaashi cusub oo ay yeeshaan labada dal.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed.

Safarkan waxaa ku weheliya Madaxweyanaha xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, xildhibaanno iyo qaar kamid ah la-taliyeyaasha Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo ayaa ku soo aadaysa iyadoo dhawaan Itoobiya iyo Eriteriya ka heshiiyeen muran xuduudeedii ka dhextaagnaa  muddada 20 sano ah, Soomaaliya iyo Eriteriya xiriir wanaagsan ma lahayn mudadaas, maadaama Itoobiya ay galaangal weyn ku lahayd siyaasadda Soomaaliya.

Tani waa booqashadii ugu horeysay oo madaxweyne Soomaaliya ah uu ku tago dalka Eriteriya muddo 20 sano ah.

PUNTLAND POST