Faysal Cali Waraabe oo Roog cas loo goglay Hargeysa

Faysal oo Hargeysa lagu soo dhaweeyay
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Ucid ee Somaliland Faysal Cali Waraabe oo laga baqayay in xabsi loo taxaabo ayaa maanta bedelkeedii si aan horey u dhicin loogu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa, iyadoo Garoonka diyaaradaha loo dhigay rooga cas ee madaxda loo goglo.

Faysal Cali Waraabe oo ka soo noqday shirkii Soomaalida Brussels oo uu ka qeyb galay ayaa boqolaal dadweynaha Hargeysa ah kula hadlay meel fagooro ah, isagoo ka hadlay kulankii uu la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, sidoo kalana dhaliilay xukuumadda Muuse Biixi iyo Baarlamaanka Somaliland.

Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay kulankii ay isaga iyo Cali Khaliif Galeyr la qaateen Madaxweyne Farmaajo, isagoo sheegay in ay Farmaajo horey xiriir wanaagsan ula haayeen hadana ay ku heshiiyeen in la joojiyo dagaalka Tukaraq iyo in dib loo bilaabo wada hadaladii Somaliland iyo dowladda federaalka, wuxuuna intaas ku daray in uu ka dhaariyay in uu Puntland ku taageero dagaalka Tukaraq.

Sidoo kale Faysal Cali Waraabe ayaa aad u dhaliilay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi wuxuuna sheegay in 7 billood oo uu xilka hayay uu dib udhac weyn ku yimi Somaliland, wuxuuna ku tilmaamay mid wada shaqeynta ka jecel in leys-caayo, isagoo ugu goodiyay in hadii ay tayo xumo ku arkaan xukuumadda Muuse ay ka tashan doonaan.

Baarlamaanka Somaliland oo maalmihii u dambeeyay warbaahinta eedeymo u marinayay Faysal Cali Waraabe ayuu ku tilmaamay kuwa sharci daro ku fadhiya kuraasta muddo 14 sano ah, sidaas darteed aysan ahayn in laga xishoodo.

Muuse Biixi ayaa dhaawaan sheegay inay yaab iyo amakaag ku noqotay tegitaankii shirkii Soomaalida Brussels Faysal Cali Waraabe, waxaana uu xusay inay arrintaasi tahay mid u baahan in dib la isaga arko.

Faysal Cali Waraabe oo muddo dheer hogaamiye ka ahaa xisbiga mucaaradka ah ee Ucid ayaa lagu tilmaamaa mid hadba u janjeera xisbiga talada haya.

PUNTLAND POST