Garowe:- Gaas iyo Keating oo kawada hadlay xaalada Tukaraq

Gaas iyo Keating

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan ariimaha Soomaaliya Michael Keating oo maanta soo gaaray magaalada caasimada ah ee Gaorwe ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Kulanka Madaxweyne Gaas iyo Danjire Michael Keating oo ka dhacay madaxtooyada Puntland ee Garowe waxaa ka goobjoog ka ahaa wasiiradda arimaha hudaha iyo horumarinta Reer Miyiga, Deegaanka, qorsheynta iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.

Madaxweyne Gaas oo warbaahinta la hadlay kulanka kadib ayaa sheegay in Danjire Keating ay kawada hadleen xaalada Tukaraq, nabadeentii ka socotay Gaalkacyo, iyo nabadgalyada guud ee dalka Soomaaliya,

Dhinaca kale Danjire Michael Keating oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Madaxweynha Puntland ay kawada hadleen arrimaha siyaasada Soomaaliya, amniga gobolka iyo xaalada deegaanka Tukaraq.

Danjire Michael keating ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay arrinta gobolka Sool ka telagelin doonto Odayaasha iyo dadka deegaanka si ay qayb uga noqdaan go’aan ka gaarista masiirkooda, sidoo kale Danjire Michael Keating ayaa aad u bogaadiyay xaalada amni ee gobolka Mudug wuxuuna amaan usoo jeediyay ciidamada isku dhafka ah ee labada dhinac oo uu sheegay in ay qabteen shaqo aad u muhiim ah isla markaana aan laga cabsi qabin xaalad amni darro oo kasoo cusboonaata gobolka Mudug.

Dhanka kale Michael Keating ayaa maanta magaalada Garowe kulan kula qaatay Issimo iyo Musharaxiinta u taagan madaxtinimada Puntland, waxayna kawada hadleen arrimo ay kamid yihiin colaada Tukaraq iyo doorashada Puntland 2019.

Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxaa isku hor-fadhiya ciidamo Puntland iyo Somaliland ah, kuwaas oo labo jeer oo hore dagaal kharaar dhexmaray, waxaana hada laga cabsi qabaa dagaal mar kale dhexmara.

Beesha caalamka iyo dowladaha deriska ayaa wada dadaalo nabadeed oo wax looga qabanayo xaalada colaadeed ee gobolka Sool oo Puntland iyo Somaliland ay isku hayaan gacan ku hayntiisa.

PUNTLAND POST

GAROWE