Puntland:- Taliye gaari iyo hub kala baxsaday Madaxtooyada Garowe

Gaariga madaxtooyada Puntland lagala baxsaday

Taliyihii ilaalada rugta laanta socotada ee Madaxtooyada Puntland ayaa la baxsaday gaarigii martida iyo hub fudud, sida ay ogaatay PUNTLAND POST.

Cabdifitaax Yemeni oo ahaa tiliyihii ciidamada rugta laanta soctada ee Madaxweyne Cabdiwali Gaas ayaa 22 bishan July 2018, la baxsaday gaarigii martida madaxtooyada Garowe oo noociisu ahaa Lancheser V8 Wakaalad ah, 6 qori oo AK47 ah iyo 5 Baaskooladood.

Taliyaha la baxsaday gaariga iyo hubka madaxtooyada oo ay isku heyb ahaayeen Mudane Madaxweyne Cabdiwali Gaas ayaa la aaday tuulada Balli-busle oo koonfur bari kaga beegan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaana la sheegay in uu iibsaday gaarigii iyo hubkii.

Odayaasha deegaanka Balli-busle oo arrintani markii ay soo gaartay galay ayaa ku guuleystay in ay gaarigii gacanta ku dhigaan, kadib markii ay si khasab ah uga qaadeen Rag sheegtay in ay 40 kun oo doolar ($40,000) ku iibsadeen.

Odayaasha deegaanka Balli-busle ayaa maanta gaarigii lagala baxsaday madaxtooyada Puntland ee Garowe keenay magaalada Gaalkacyo gaar ahaan madaxtooyada, ilaa iyo hadana lama hayo tiliyihii la baxsaday meel uu jaan iyo cirib dhigay, sidoo kale waxaan la heyn hubkii.

La baxsadka gaariga iyo hubka fudud ee madaxtooyada Puntand ayaa la sheegay in ay ka dambeysay kadib markii taliyahaasi helay warar sheegaya in laga qaadayo xilka taliyenimo ee uu kahayo madaxtooyada Puntland.

Gaarigan ayaa lagu soo dhaweyn jiray madaxda martida u ah Puntland, wuxuuna kamid ahaa ku dhawaad 60 gaari oo noocaas ah oo dowladda Imaaraatka Carabta ay ugu deeqday Puntland, kuwaas oo hadda intoodii badnaa ka baxay gacanta musuuliyiin ay dowladdu siisay, kadib markii laga iibiyay dad degan deegaanka Soomaalida Itoobiya ee xadka la leh gobolka Mudug.

Gawaarida noocaan ah oo Itoobiya qaali ka ah ayaa warar xog ogaal ah oo ay heshay PUNTLAND POST sheegeen in gaari walba deegaanka Soomaalida Itoobiya laga siiyay lacag dhan 50 Kun oo doolar ($50, 000) oo ay kala baxeen Rag masuuliyiin ah oo loo qeybiyay gawaaridan loogu deeqay Puntland.

Xukuumadda Puntland ayaa bishii la soo dhaafay ee June 2018 sheegtay in tallaabo sharci ah laga qaadayo cidii ku xad gudubta gaadiidka dowladda, sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa wasaaradaha maaliyadda iyo howlaha guud iyo gaadiidka ku amray in ay soo gudbiyaan warbixin tafatiran oo la xiriirta adeegsiga iyo dabagalka gaadiidka dowladda.

Puntland ayaa waxaa ka dhaca in hanti dowladeed lagu takrifalo, mana jirto cid ilaa iyo hadda tallaabo ka qaaday arrintaas.

PUNTLAND POST