Madaxweyne Gaas oo dib ugu soo laabtay Garowe, kana hadlay shirkii Brussels

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garowe, kadib ka qeyb galkii shirkii Soomaalida ee magaalda Brussels ee Dalka Belgium-ka.

Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hogaaminayey oo ay kamid ahaayeen qaar kamida golaha xukuumadiisa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir ee Garowe, qaar kamida goloyaasha Puntland, maamulka degmada, kan gobolka Nugaal, Saraakiil ka tirsan madaxtooyada iyo qeyb kamid ah bulshada.

Madaxweyne Gaas oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir ayaa ka warbixiyay shirkii Soomaalida ee magaalda Brussels ee dalka Belgium-ka.

“Saad la socotaan waxaan ka qayb galay shirkii la oran jiray SPF, oo ay iskugu imaan jireen beesha caalamka ama daneeyaasha Soomaaliya iyo Soomaalidu, shirkaas oo la isugu yimi caasimada Dalka Belgium-ka, shirkaas waa la socoteen wuxuu ahaa shir labo berri soconayey loogana hadlayey duruufaha iyo xaalada ay Soomaaliya ku jirto, dhan dhaqaale, amni iyo siyaasadeed oo aad looga hadlay, shirkaas waxaan is leeyahay waa ka duwanaa shirarkii hore markii la eego qaabkii Soomaalida loola dhaqmaayey ama loo eegayey duruufahooda, waxaa ka soobaxay haddii la hirgeliyo, waxaan isleeyahay wax wanaagsan baa kasoo baxaya, Soomaaliyana wax badan baa iska bedelaya waqtiga dhow haddii Alle yiraahdo” ayuu yiri madaxweyne Gaas

Sidoo kale madaxweyne Gaas ayaa ka warbixiyey kulan uu la qaatay Jaaliyada Puntland ee qaarada Yurub, wuxuuna sheegay in uu uga warbixiyey xaalada Puntland gaar ahaan  xaalada gobolka Sool.

Madaxweynaha Puntland ayaa magaalda Brussels ee Dalka Belgium-ka uga qayb galay shirkii looga hadlayey danaha iyo geedi socodka nabadda Soomaaliya, oo ay ka qayb galeen madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, madaxda dowladdaha xubnaha ka ah DFS iyo Beesha Caalamka.

PUNTLAND POST