Ilaa shan qof oo kaluumaysato ah oo lagu laa yahay Xeebaha Puntland

Bosaso[Puntland Post] Ilaa Lix qof ayaa shalay ku qariqmay xeebaha badda Puntland, kuwaasi oo hal doon wada saarnaa, sida uu Puntland Post u sheegaya Gudoomiyaha degmada Gunbax oo ka tirsan gobalka Gardafuu ee Puntland Guure Cali Cumar.

Dadaalo badan oo la sameeyay kadib waxaa lagu guuleystay in la soo helo meydka hal ruux oo Badda ay soo caariday, waxaana lagu ogaaday raggan inay Badda qaaday, kadib markii la waayay xilligii ay shaqada ka soo bixi jireen.

Weli waxaa la la’yahay Shantii qof iyo doonidii ay wateen, waxaana socda dadaalo badan oo dadkaasi lagu raadinayo, xilliyadan oo kale waxaa jira dabeylo aad u xoogan oo dhanka Badda ah, taasi ayaana sababtay in dadkan la wayo.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post