Puntland oo shaacisay xiliga la dhisayo golayaasha deegaanka Gorowe iyo Bosaso

Wasaarada arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Puntland ayaa maanta shaacisay xiliga la dhisayo golayaasha deegaanka degmooyinka Garowe iyo Boosaaso.

Warqad ka soo baxday xafiiska Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Puntland Cabdulaahi Xirsi Tima-cade ayaa lagu sheegay  in golaha deegaanka degmamada  Garowe la dhisayo 22/08/2018 ilaa 25/08/ 2018, halka golaha deegaanka degmada  Boosaaso la dhisi doono 28/08/2018 ilaa 01/09/2018.

Sidoo kale warqadan ayaa lagu war-galiyay cidii ay quseyso dhismaha golayaashaa deegaanka degmooyinka Garowe iyo Boosaaso in ay mudadaas ku soo diyaariyaan golaha deegaanka degmooyinkaas.

Degmooyinka Garowe iyo Boosaaso ayaa muddo dhowr bilood ah aan la hayn gole deegaan, kadib markii Madaxweynaah Puntland kala diray, waxaana la dhaafay xiligii la dhisi lahaa golayaashaas oo ahayd muddo 45 cisho ah.

Shir shalay ka dhacay xrunta gobolka Nugaal oo ay ka soo qeyb galeen maamulka Nugaal, Isimada gobolka iyo waxgarad kale ayaa looga hadlay sidii golaha deegaan oo tayo leh loo dhisi lahaa.

PUNTLAND POST