Shirkadda Towfiiq oo ka digtey sifo sharci dara oo loogu shaqeysto magaceeda

Maamulka Shirkadda Ganacsiga ee Towfiiq ayaa warbixin kasoo saarey koox ay sheegeen magac been abuur inay ku isticmaalayaan magaca Towfiiq General Trading kuwaas oo qandaraasyo kaga qaata dowladda Puntland,Hay,addaha samafalka iyo Kuwa caalamiga ee fadhigoodu yahay deegaanada Puntland.

Maxamed Axmed Muuse madaxa suuq-geynta iyo ganacsiga Shirkadda Towfiiq oo la hadlay warbaahinta PUNTLAND POST ayaa sheegay inay jiraan dad si sharci daro ah ugula macaamila Dowladda Puntland iyo Hay,addaha kale magaca Shirkadda Towfiiq General Trading.

“Waxaan ku ogaanay dad ka cabanaya mashaariic lagu qaatay magacayagga oo qaarkood xafiiska noogu yimid,qaarna ay telefonada naga soo wacayaan,iyadoo aysan shirkadda Towfiiq ka galin wax dembi ah laakiin aan ku qancin weynay cid kale inay isticmaashay magaca,arrintaas oo ah dembi dhinaca sharciga caalamiga iyo dhaqanka suuban” Ayuu yiri Madaxa Suuqgeynta Shirkadda Towfiiq.

Maxamed Axmed Muuse ayaa ugu baaqay Hay,addaha Caalamiga sida kuwa UN-ka,NGO’ska iyo Dowladda Puntland inay iska hubiyaan isticmaalka magacaas been abuurka, wuxuuna sidoo kale farey kooxda isticmaasha magacooda inay samaystaan magac u gaara oo ay leeyihiin islamarkaana ay ka waantoobaan magaca shirkadda Towfiiq General Trading.

Shirkadda Towfiiq waxaa la asaasay sanadkii 1992-dii, waxayna ka mid tahay shirkaddaha waaweyn ee fara ku tiriska oo ka jira dalka Soomaaliya.

Abshir Dhiirrane

PUNTLAND POST.