Garowe:- Dagaal sababay dhaawac oo maanta ka dhacay Xarunta Hay’adda Wadooyinka Puntland

Xiligii uu xilka la wareegayay guddoomiyaha PHA

Mid kamid ah ilaalada Hay’adda Wadooyinka Puntland ee PHA ayaa maanta ku dhaawacmey dagaal gacan ka hadal ah oo ka dhacay gudaha xarunta hay’addaasi ay ku leedahay magaalada Garoowe ka dib gadood la xiriira cabasho mushahaar la’aan iyo musuqmaasuq oo ay ku eedeeyeen qaar ka mid ah shaqaalaha hay’addu madaxda xukunta xafiiskaas.

Askari ka tirsan ilaalada Hay’adda Wadooyinka Puntland ayaa weerar loo adeegsadey rasaasta nool nool kusoo qaaday maanta xafiiska hay’addu ku leedahay Garowe, waxaana ku dhaawacmay weerarkaas askari kale oo ka tirsan ilaalada xarunta, kaas oo sida la sheegey isku dayay inuu hor istaago shaqaale weerar ku ahaa Gudoomiyaha Hay’adda Wadooyinka Puntland Eng.Cabdirisaaq Yusuuf Cilmi.

“Wiil miskiin ah oo muddo dheer ka shaqeynayay Hay’adda kana mid ahaa ilaalada ayaa maanta soo galay gudaha xarunta, wuxuu weydiiyay dadkii xafiiska joogay Gudoomiyaha ka dib markii loo sheegayna waxaa isku dayay inuu ka hor istaago Askari ka tirsan ilaalada xafiiska, waxaana halkaas ka bilowday rasaas in muddo ah ka dhacaysay gudaha xarunta, qof kasta oo ka mid ah shaqaalihii meesha joogeyna waxaa ku dhacay sas iyo argagax,wuxuuna ka xanaaqsanaa wiilka weerarka soo qaaday ka dib markii uu ku darey Gudoomiyuhu liiska shaqaalaha aan mushahaarka la siin ilaa afar bilood oo xiriir ahayd” ayuu yiri Mid kamid ah shaqaalaha Hay’adda PHA.

Qaar ka tirsan Shaqaalaha Hay’adda PHA ayaa u sheegay Warbaahinta PUNTLAND POST inay ka dambeysay talaabadan foosha xun kadib habacsanaan iyo isku dhex yaac shaqo oo bilihii u dambeeyay ku yimid hawlihii shaqo ee xafiiska tan iyo intii uu Madaxweyne Gaas u magacaabay 7-dii October 2017 Eng.Cabdirisaaq Yusuuf Cilmi Gudoomiyaha Hay,adda Wadooyinka Puntland.

Gudoomiyaha Hay’adda Wadooyinka Puntland Eng.Cabdirisaaq Yusuuf Cilmi waxay ku eedeeyeen qaar badan oo ka mid ah shaqaalaha Hay,addaasi mudadii yareyd oo uu joogay xafiiska inuu qaab sharci daro ah u shaqaaleysiiyay tiro ka badan 10 qof oo eheladiisa hoose ah,isagoo meesha ka saaraya shaqaalo muddo dheer usoo shaqeynayay Xafiiska.

Hay’adda Wadooyinka Puntland PHA oo magaceedii hore la oran jirey NESHA waxay iminka u muuqataa mid cagta saartey marxaladdii ugu hooseysay abid oo lasoo gudboonaata hawlaheedii shaqo.

PUNTLAND POST