Isaias Afwerki oo ka degay Addis Ababa

Isaias Afwerki iyo Abiy Ahmed

Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta booqasho ku yimid xarunta Itoobiya ee Addis Ababa.

Ra’iisul wasaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku soo dhaweeyay madaxweyne Isaias Afwerki garoonka diyaaradaha Addis Ababa ee Bole International, waxaana la sheegay in booqashadaasi qaadan doonto seddex beri.

Booqashada Isaias Afwerki ee Addis Ababa ayaa timid kadib markii ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu dhawaan booqasho taariikhi ah ku tagay magaalada Asmara ee dalka Eritrea, halkaas oo ay ku kala saxiixdeen heshiisyo dhawr ah oo ay kamid ahaayee in labada dal ay booqan doonaan wufuud kala duwan.

Xiriirka Itoobiya iyo Eritrea ayaa ahaa mid aad u xun mudo ka badan labaatan sano, waxaana isbedel uu ku yimid, markii ra’iisul wasaare Abiy shaacisay in uu aqbalayso heshiiskii Algeirs ee soohdinta laba dal.

Tan iyo markii talada Itoobiya uu la weegay Abiy Ahmed bishii April ee sannadkan ayuu billaabay inuu furfuro siyaasadda dalka Itoobiya oo lagu tirin jiray tan ugu adag Afrika.

PUNTLAND POST