(DAAWO)-MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO KA WARBIXIYEY SAFAR UU UGU BAXAY DALKA BELJUIM.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maantay u safar ugu baxay dalka Buljimka halkaas oo la filayo inuu dhawaan ka furmo shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Gaas oo hadal kooban warbaahinta ku siiyey Garoonka diyaaradaha General Maxamed Abshir ayaa ee magaalada Garoowe ayaa  sheegay inuu ka qaybgalayo shirka arimaha somaliya ee ka furmaya Magaalada Nairobi.

Magaalada Burasalis ee dalka Buljimka ayaa waxaa ka qaybgalaya Madaxda dowladda Federalka iyo Dowlad Gobaleedyada xubnaha ka ah dowladda Federalka iyadoo looga hadli doono sidii taageero loogu fidin lahaa dowladda Soomaaliya.

Safarka Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas aya kusoo aadaya xili wali ay taagan tahay xiisada u dhaxaysa Puntland iyo Somaliland ee ka taagan deegaanka Tukaraq ee Gobalka Sool.

Halkaan Ka Daawo Shirka Jaraa,id ee Madaxweynaha.