Kurawaatiya oo markii ugu horeysay gaartay kama dambeynta koobka adduunka

Xulka Kurawaatiya

Xulka kubbada cagta Kurawaatiya ayaa markii ugu horeysay taariikh gaaray kama dambeynta (Final) dhacdada ugu weyn kubadda cagta adduunka.

Xulka Kurawaatiya ayaa soo afjaray rajadii Ingiriisku ka lahaa ku guuleysiga koobka adduunka ee sanadkan 2018, kadib markii uu 2-1 uga adkaaday ciyaar laysku daalay oo qaadatay 120 daqiiqo.

Ingiriiska ayaa gool uu dhaliyay Kieran Trippier bilowgii ciyaarta hogaanka ku hayay tan iyo daqiidaqii 68-aad markaas oo goolka barbaraha uu Kurawaatiya u keenay Ivan Perisic.

Wixii intaas ka dambeeyay ayaa labada xul mid walba uu raadinayay goolka guusha, balse ciyaarta ayaa wakhtigeedii 90-ka daqiiqo ku soo dhamaatay barbaro 1-1 ah, waxaana lagu daray 30-kii qadiiqo oo dheeriga ahaa.

Mario Mandzukic ayaa xulkiisa Kurawaatiya gaarsiiyay kama dambeynta koobka adduunka oo aysan wiligood gaarin, kadib markii uu goolka guusha u dhaliyay qadiiq 109-aad, waxaana halkaas waagu ugu baryay xulka Ingiriiska oo rajo weyn kala haa tartankan.

Xulka Kurawaariya oo la yaab ka sameeyay koobka adduunka ee sanadkan 2018 ayaa hadda ciyaarta kama dambeynta (Final) la ciyaari doona xulka Faransiiska.

Ciyaarta lagu soo xiri doono koobka adduunka 2018-ka ee Ruuskhu marti galiyay ayaa dhici doonta 15-ka bishan July, waxayna ka dhici doontaa garoonka Luzhniki ee magaalada Moscow.

PUNTLAND POST