Bangiga Amal oo Tababar u qabtay howl-wadeenada Shirkadaha ganacsi ee Bosaso

Bosaso[Puntland Post]-Bankiga Amal oo kamid ah banki-yada ugu waa weyn dalka kana shaqeeya horumarinta adeegyada guud ee bulshada ayaa tababar u qabtay shaqaalo waaxeeydo ka tirsan shirkadaha ganacsi ee ka howlgala magaalada Boosaaso.

Tababarkaan ayaa si gaar ah waxaa loogu qabtay shaqaalaha waaxyaha Suuq-geynta iyo iibka shirkadaha ganacsi ee, waxaan ujeedka tababarkan uu ahaa kor u qaadida xirfaddaha ganacsi gaar ahaan Suuq-geyn iyo iibinta.

Howl-wadeenada ka faa’ideystay tababarkaan ayaa waxa ay gaareen 65 howl-wadeen kuwaasoo ka kala socday  in ka badan 50 shirkadood oo ku yaala Boosaaso.

Tabarkaan oo qabsoomay 10 kii  bisha 7-aad ee 2018-ka ayaa waxa lagu tababaray ka soo qetb-galayaasha mowduucyada kala ah ;

Xirfadda Suuq-geynta, iibka iyo Daryeelka macaamiisha.
Hal-abuurka fursadaha ganacsiga iyo u toog-heynta khataraha ganacsi.
Bangiyada Islaam-ka iyo Adeeg-yada ay qabtaan.
Furitaankii tababarka ayaa waxaa ugu horeyntii  daahfurey Maamulaha Bangiga Amal ee Gobolka Bari iyo Sanaag Maxamed Faahiye Ciise, isagoona si faahfaasan uga hadlay ujeedooyinka tababarka iyo muhiimadda uu u leeyhay la tababarayaasha iyo guud ahaanba bulshada.

Dhankooda kasoo qeyb galayaasha tababarka ayaa boogaadiyey kaalinta Bankiga Amal  uu ka qaato had iyo jeer horumarinta  adeegyada bulshada iyo tababarida xirfadlayaasha waxaana howl-wadeena ay bankiga Amal uga mahad celiyeen tababarkan ay u qabteen ,iyagoona ka codsaday in bankiga uu soo celiyo tababarada noocan oo kale ah.

Ugu dambeyntii waxaa tababarka soo xiray Madaxa  horumarinta ganacsiga Bangiga Amal ee Gobolka Bari iyo Sanaag Jaamac Ciise Maxamud oo isna si faahfaahsan  uga hadlay tababarka iyo in Bangiga Amal ujeedooyinkiisa ay ka mid tahay in bulshada horumarkiida uu qeyb ka qaato, diyaarna u yahay inuu markasta garab istaago ganacsiga.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post- Bosaso