Taliska Booliiska Kenya oo Sheegay in Weerar dhacay lagu Waayay Sarkaal Booliis ah

Gaarisa (PP) ─ Taliyaha boliiska Magaalada Garissa ee dalka Kena, David Kerina ayaa sheegay inay waayeen sarkaal ka tirsan booliiska, kaddib markii ay xoogag ka tirsan Al-shabaab ay habeen hore weerar ku qaadeen bar-koontarool oo ay booliisku ku leeyihiin tuulladda Hamey oo ku dhow xadka ay wadaagaan Somalia iyo Kenya.

David Kerina ayaa intaas ku daray in xoogagga Al-shabaab ee weerarka soo qaaday ay horey u kaxeysteen sarkaalkaas, weerarkaas oo uu sheegay inay ku dhaawacmeen afar sarkaal oo ka tirsan booliiska.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa tilmaamay inay socdaan hawl-gal lagu baadi-goobayo sarkaalkaas oo la rumeysan yahay inay kooxda Al-shabaab ay kala gudbeen xuduudda labada waddan ay wadaagaan.

Taliyaha ayaa sheegay in ugu yaraan 20 dagaalyahan oo ka tirsan Kooxda Al-shabaab oo aad u hubeysan ay dhawr jaho ka weerareen xerada booliiska Kenya ay ku leeyihiin duleedka Garissa, isagoo xusay inay dhulka la simeen taawarka shirkadda Isgaarsiinta Safaricom ay ku lahayd meel aan ka fogeyn xeradda la weeraray.

Waxaa kaloo la sheegay in Kooxda Al-shabaab ay qabsadeen ayna wateen gaari ay leeyihiin booliiska Kenya, iyadoo weerarkan uu ka mid noqonayo kuwa ay kooxda ka dagaalanta Somalia ka geysanayaan gudaha Kenya iyo deegaannada xuduudaha ku dhaw.

Dhanka kale, Kooxda Al-shabaab ayaa weli ka hadlin weerarkan la sheegay inay ku qaadeen saldhigga booliiska ee Hamey oo ku yaalla dulleedka is-maamulka Gaarisa ee dalka Kenya.

Ugu dambeyn, Toddobaadkii lasoo dhaafay ayay kooxda Al-shabaab waxay ka geysteen Gudaha dalka Kenya, waxay ku dhaawaceen sagaal Askari oo ka tirsan booliiska dalka Kenya.

PUNTLAND POST