Faransiiska oo gaaray kama dambeynta koobka adduunka 2018

Faransiiska dabaal degyo lagu taagerayo xulka

Xulka kubbada cagta dalka Faransiiska ayaa markii saddexaad taariikhda gaaray kama dambeynta (Final) dhacdada ugu weyn kubadda cagta adduunka.

Xulka Faransiiska ayaa wareegii afar dhammaadka ee tartankan 1-0 uga adkaaday xulka Biljimka oo ahaa xul la yaabka ka sameeyay koobka adduunka ee sanadkan 2018.

Samuel Umtiti, dhaliyihii goolka Faransiiska

Labada xul qaran oo mid walba uu u qalmay guul ayaa soo bandhigay ciyaar xiiso badan, balse difaaca dhexe ee kooxda Faransiiska Samuel Umtiti ayaa xulkiisa gaarsiiyay kama dambeynta koobka adduunka ee 2018, markii uu gool madax ah dhaliyay daqiiqadii 51-aad qeybtii dambe ee ciyaarta.

Xulka Biljimka ayaa isku dayay in uu la yimaado goosha barbaraha, balse uma suurto galin, waxayna ugu dambeyn ciyaartu ku dhamaatay 1-0 ay guushu ku raaacday Faransiiska oo gaaray kama dambeynta koobka adduunka ee sanadkan 2018 ee lagu hayo Ruushka.

Faransiiska ayaa ciyaarta kama dambeynta (Final) la ciyaari doona midkood xulalka Ingriiska iyo Kurawaatiya oo habeen dambe ku balansan afar dhammaadka tartanka.

Faransiiska ayaa markii ugu horeysay koobka adduunka ku guuleystay sanadkii 1998 waxaana markii labaad 2006, ka qaatay Talyaaniga, tanina waa markiisii saddexaad oo uu gaaro kama dambeynta.

Dalka Faransiiska waxaa ka socda dabaal dagyo lagu taageerayo guusha uu gaaray xulkoodu, madaxweyne Macron na waxa uu goob joog ka ahaa guusha xulkiisu gaaray.

PUNTLAND POST