Al-Shabaab oo war cad kasoo saartay Maal-gashiga Itoobiya ee Dekedaha Soomaaliya

Muqdisho (PP) ─ Ururka Al-shabaab ayaa markii ugu horreysay war kasoo saaray heshiiskii bishii lasoo dhaafay ay Muqdisho ku kala saxiixdeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, kaasoo ku aaddanaa Afar dekadood oo Itoobiya Maal-gashaneyso.

Hadal Idaacadda Al-shabaab kasii daayay Mahad Warsame [Karate] oo ka mid ah hoggaanka ugu sareeya kooxda ayuu ku sheegay in Qorshaha dalka Itoobiya loogu gacan-gelinayo Dekedaha Somalia uu qayb ka yahay damacii Itoobiya ee ahaa inay Somalia oo dhan qabsato.

Karatee ayaa intaas ku daray in dadka Soomaaliyeed ay qarniyo ka hor la dagaallamayeen Itoobiya, si ay uga hor-tagaan damaceeda guracan ee ahaa inay qabsato dhulka Soomaaliyeed.

“Dadkii dagaalka Xabashida nooga horreeyay naga horreeyay ee qarkood ku ay ku dhinteen sida; Axmad Gureey, Gaalo badan oo Itoobiyaan ahna lagu laayay, waxaa loosoo galay waxay ahyd in la difaaco Diinta Islaamka iyo dhulka Soomaaliya, Damaca Xabashidana la baabi’iyo,” ayuu yiri Karatee.

Sidoo kale, Hoggaamiyahan ayaa sheegay in heshiiska dekedaha lagu siiyay Itoobiya iyo hadalkii kasoo yeeray Abiy Ahmed ee ahaa in la mideyn doono Somalia iyo Itoobiya uu yahay qorshe ay ku doonayso inay Soomaaliya kula wareegto.

“Itoobiya muddo fog ayay ku hawlanayd qoshaheeda ay doonayso inay kula wareegto Dekedaha Somalia, isla markaana ay jirto waddo laga soo bixiyay gudaha Itoobiya, lana doonayo in lasoo geliyo Dekedda Hobyo oo ka mid ah dekedaha lagu wareejiyay Itoobiya, laakiin Al-shabaab ayaa ka hor-tagaysa qorshahaas gurracan ee Itoobya,” ayuu hadalkiisa daba-dhigay.

Dhanka kale, Mahad Karatee ayaa sheegay in Hoggaanka Soomaalida ee baasaboorada shisheeye wata ay leeyihiin halistooda, una soo shaqo tagay sidii ay dhulka iyo badda Soomaaliyeed uga iibsan lahaayeen Itoobiya iyo Kenya.

“Farmaajo oo ah Ruux Maraykan ah, kana tirsan Xisbiga Donlad Trump ee Jamhuuriga la yiraahdo, wuxuu dadka Soomaaliyeed ku beer-laxawsaday inuu yahay wadani Soomaali ah, balse markii uu kursiga ku fariistay wixii ugu horeeyay ee uu qabtay waxay ahayd inuu xabashida u gacangeliyo qof walba oo Soomaali ah oo ay ka dalbadaan, Maantana wuxuu saxiixay in dekedaha dalka ay Xabashidu la wareegto. Dhulka, Cirka iyo Badaha Soomaaliyeed,” ayuu mar kale yiri Karatee.

Ugu dambeyn, Wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ogaadaan in qorshahan uu yahay mid caasimadda Itoobiya loogu soo wareejinayo Xamar, sida caasimadda Yuhuudda looga dhigay Qudus, isagoo xusay inaysan marna aqbali doonin in taako ka mid ah dhulka Soomaaliya lagu wareejiyo Itoobiya.

PUNTLAND POST