Wasiirka Duulista oo Shaqadii ka Joojiyay Maareeyaha Hay’ada Duulista

Wasiirka Wasaarada Duulista hawada Iyo gaadiidka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa shaqadii ka Joojiyay Maareeyaha Ha’ada Duulista iyo hawada Yuusuf Jeelle.

Wasiir Oomaar ayaa Digreeto uu soo saaray Goordhow shaqada kaga joojiyay Maareeyaha iyada oo si KMG ah loogu dhiibay ku Xigeenkiisa.

Si rasmi ah looma oga sababta ka dambeeysa Shaqo joojintaan lagu sameeyay Yuusuf Jeelle.

Shalay ayaa waxaa xilka laga qaaday wasiirkii Awqaafta iyo Arimaha diinta ee xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in is qab qabsi ku aadan Diyaaradaha xajka ay sabab u tahay xil ka qaadista iyo shaqo joojinta lagu sameeyay mudanayaashaasi inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho