Shariif Xasan” AMISOM waa ku Fashilantay isku Furida wadooyinka Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan Ayaa ka hadlay Wadooyinka Xiran oo ay go’doomiyeen Al-Shabaab.

Shariif Xasan Ayaa sheegay in AMISOM ay ku guul dareeysteen in ay isku furaan wadooyinkaasi Al-Shabaab ay xireen.

“Aad iyo Aad ayeey u mahadsan yihiin Ciidamada AMISOM dadaal badan ayay noo sameeyeen gaar ahaan kuwa Itoobiya oo ciidamo farabadan noo tababaray,balse weey ku fashilmeen oo kuma guuleysan in ay furaan wadooyinka deegaanada koonfur Galbeed oo ay Al-Shabaab go’doomiyeen laakin waxan rajeynayaa in lagu guuleysan doono ” ayuu yiri Madaxweyne Shariif Xasan.

Al-Shabaab ayaa ku sugan Deegaano badan oo Koonfur Galbeed ah iyagoo kala xiray wadooyinka muhiimka ee Degmooyinka ay ciidamada Koonfur Galbeed ay ku suganyihiin.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post