Shirar wada tashi ah oo muddo u socday Caaqilada iyo gudiga horumarinta Caasimadda Puntland ayaa looga hadlay arimo ay ka mid yihiin sidii loo soo dooran lahaa gole degaan oo ka soo bixi kara ama ka soo dhalaali kara wajibaadka shaqo ee sugaaya, sida
- Nadaafadda magaalada
- Sidii qashinka loo maarayn lahaa
- Fayadhowrka loo sugi laha
- Bilicda Garowe loo hagaajin lahaa
- Adeegyada bulshada loo tayayn
- Amniga loo sugi lahaa sharcigana loo fulin lahaa
- Sidii dhalinyarada shaqa abuur loogu samayn lahaa
- Xoojinta ilaha dhaqaalaha ee caasimadda iyo suuqgeynta wax soo saarka Garowe iyo degaanada kuxeeran
- Nidaaminta dakhliga dowladda hoose iyo isla xisaabtanka hufan.
- Ilaalinta Dhaqanka suuban
Haddaba si loo fuliyo shaqooyinkaas waxaa lagama maarmaan ah in lahelo gole deegaan oo leh karti iyo xirfad ay ku fuliyaan howlahaas a kor ku xusan, waxay caaqilada iyo gudiga horumarintu isla qaateen in xubin kasta oo golaha degaanka ka mid noqonaysa buuxiso shuruudahan:
- Waa inuu yahay qof sumcad fiican bulshada dhexdeeda ku leh xag aqlaaq iyo dabeecadba
- Waa inuu ku caanyahay aaminimo iyo hufnaan
- Waa inuusan qabin xanuun ka hor istaagi kara inuu shaqadiisa gudan waayo, balwadna uusan lahayn
- Waa inuu diyaar u yahay inuu ku shaqeeyo tabaruc dhaqaale ahaana isku filan yahay, xaalad dhaqaalena uusan u gelin golaha
- Wa inuusan gelin denbi haystana warqadda denbi la,aanta
- Wa inuusan hadda u shaqayn dowladda hoose marka laga reebo masuuliyiinta ku meelgaarka ah
- Waa inuu leeyahay xirfad dabooli karta ugu yaraan mid ka mida adeegyada dowladda hoose qabato uuna fikir buuxa ka haysto hadafka iyo himilooyinka dowladda hoose hiigsanayso
Dhamaad