Madaxweynaha Puntland oo xariga ka jaray Isbitaalka Carafaat ee Garowe

Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xariga ka jaray isbitaalka cusub ee CARAFAAT oo magaaladda Garowe laga hirgeliyey,isbitaalka oo ah mid ay u dhamaystiranyihiin waaxyaha caafimaadka ee isbitaal leeyahay ayaa waxaa maalgeliyey shakhsiyaad kala duwan oo ku kala sugan gudaha & dibadda dalka.

Mareeyaha Isbitalka Carafaat Cabdirisaaq Jaamac Daraag ayaa ka warbixiyey isbitaalka waxaana uu sheegay in ay dhamaysiranyihiin qaybaha Caruurta,dhalmada,qaliinka,bukaan jiifka,dawada,waxaana ka howlgalidoona shaqaale isugu Jira soomaali iyo ajaanib.

Cabdirisaaq waxaa uu sheegay in isbitaalkani u diyaarsanyahay inuu daboolo baahiyaha guud ee caafimaad,iyadoo loo qorsheeyey in uu furanyahay 24ka saac,ayna bukaanadu helidoonaan xili kasta dhakhtar,daawo .

Mareeyaha Isbitalka Carafaat Cabdirisaaq Jaamac Daraag waxaa uu intaa ku daray in Isbitaalka Carafaad uu dabooli doono baahiyaha caafimaad ee dadka Puntland ay u aadijireen dalka dibadiisa islamarkaana ay adeegyo caafimad oo casri ah ka heli doonaan.

Islaan Ciise Islaan Maxamed oo ka hadlay xafladda furitaanka isbitaalka ayaa maamulka ku booriyey in xarunta ay jiritankeeda joogteyaan ,iyadoo laga fakarayo sidii ilaalinta nadaafadda,hagaajinta macamiisha & helitaanka dhamaan adeegyadda caafimaad.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr.Cabdinaasir Cismaan Cuuke ayaa u mahadceliyey dhaqaatiirka iska kaashaday isbitaalkan waxaana uu sheegay in kobaca xarumaha caafimaadku kamidyhiin meelaha aan laga haqab beelin ee mar kasta loo bahanyahay in kuwo hor leh la furo,waxaana uu ganacsatada ugu baaqay in ay fikirada noocaani oo kale ah ay iska kashadaan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo xariga ka jaray Isbitaalka Carafaad ayaa boogaadiyey masuuliyiinta Isbitaalka oo isku howlay in inay dhalinyarada isbitaalka casriga ah.

Madaxweyne gaas ayaa sheegay in isbitaalkaan uu qiimo weyn ugu fadhiyo shacabka Puntland waxaana uu sheegay in dhalinyarada hirgalisay oo isugu jira dalka gudihiisa iyo dibadiisa wax kusoo bartay ay mudan yihiin in shahaado sharaf la siiyo.

Sawirro.