Madaxweynaha Jubbaland oo isku shaan-dheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada

Madaxweynaha Jubbaland

Madaxweynaha jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa caawa digreeto uu soo saaray isku shaan-dheyn ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa wasiirada.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa magacaabay xubno cusub oo kamid noqonaya golaha wasiirada Jubbaland, waxayna ka kooban yihiin xubnaha isbadelka lagu sameeyay iyo kuwa cusub 11 xubnood.

1- Maxamed Yusuf Cumar ayaa loo magacaabay wasiirka garsoorka, caddaalada iyo arrimaha diinta.
2- Aadan Ibraahim Aw-xirsi ayaa loo magacaabay wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah.
3- Eng. Ismaaciil Axmed Garas ayaa loo magacaabay wasiirka howlaha guud iyo guriyeynta.
4- Cismaan Xuseen Feyruus ayaa loo magacaabay wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha.
5- Cabdinuur Cali Aadan ayaa loo magacaabay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha.
6-Dr. Mursal Maxamed Khaliif ayaa loo magacaabay wasiirka caafimaadka.
7- Eng. Cabdi Xuseen Maxamed ayaa loo magacaabay wasiirka warfaafinta tiknoolajiyada iyo isgaarsiinta.
8- Caydiid Suleybaan Xaashi ayaa loo magacaabay wasiirka deegaanka iyo dalxiiska.
9- Cumar Maxamed Cabdi ayaa loo magacaabay wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka.
10- Maxamed Xasan Maxamed ayaa loo magacaabay wasiirka xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa.
11- Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud ayaa loo magacaabay wasiirka macdanta, tamarta iyo biyaha.

Hoos ka akhariso digreetada laga magacaabay wasiirada Jubbaland

PUNTLAND POST