Muqdisho (PP) ─ Dawladda Hoose ee Muqdisho, waxay billaabi doontaa hirgelinta Mashruuca soo Kabashada Magaalada Muqdisho Toddobaadyada soo socda. Mashruucan waxaa ka mid ahaan doona dhisida Wado Xaafadeedka ee degmadaada. Saa’ aawadeed ka qaybqaadashadaada mashruucani aad ayay muhiim u tahay.
Marka laga reebo dhismaha waddooyinka kasokow, sidoo kale Mashruucan waxaa loogu talagalay inuu u abuuro shaqooyin bulshada ku dhaqan degaanka.
Dowladda Hoose waxay ku dadaali doontaa in dhismaha waddooyinkaasi ay ku yeeshaan saamaynta ugu yar nolosha dadka ku nool degaanlkaas.
Dawladda Hoose ee Muqdisho waxay diyaarisay dokumeenti siinaya macluumaad aad u qoto dheer oo ku saabsan sida uu mashruucan u saameyn karto dadka deggan degmada.Qoraalka Dukumeentiga oo dhan waxaa laga heli karaa dhamaan xarumaha degmooyinka, waliba waxaad heli kartaa asagooo ku tarjuman Af-Soomaali.
Ka hor inta aysan bilaabin dhisida Jidadkan, Gudi ka kooban dadka degaanka oo ay ka mid yihiin Odayaasha, Dadka Degaanka, Wakiilada Beelaha, iyo Saraakiisha Degmada ayaa la samayn doonaa, si wax looga qabto arrimaha dadka degaanka ee ku saabsan mashruuca.
Dowlada Hoose waxay dooneysaa in ay samayso tirakoob dhammaan waddooyinka la dhisi doono todobaadyada soo socda. Dawlada hoose waxay caawinaysaa dadka uu saameeyo mashruucan.
Ugu dambeyn, Guddi ayaa loo dhisi doonaa si wax looga qabto cabashooyinka iyo sidii loo heli lahaa siyaabo kale oo lagu xaliyo cabashooyinka si cadaalad ah iyo hab maamuus wanaagsan.
PUNTLAND POST