Brazil oo u soo baxday siddeed dhammaadka koobka adduunka

Xulka Brazil
Xulka kubadda cagta dalka Brazil ayaa u soo baxay wareega siddeed dhammaadka (Quarter Finals) koobka adduunka ee sanadkan 2018-ka, kadib markii ay 2-0 ugu awood sheegteen xulka Mexico.

Ciyaarta oo ahayd mid xiiso badan ayaa Brazil la timi goolasha qeybtii danbe ee ciyaarta, waxaana u kala dhaliyay daqiiqadihii 51-aad iyo 88-aad Neymar iyo Roberto Firmino.

Xulka Brazil ayaa siddeed dhammaadka (Quarter Finals) la ciyaari doona midkoood xulalka Belgium iyo Japan oo caawa wada ciyaari doona.

Brazil ayaa koobka adduunka horey u soo qaaday 5 jeer, oo ay ugu dambeysay sanadkii 2002, waxayna hadda kamid tahay xulalka loo saadaalin karo in ay ku guuleystaan koobkan.

Koobka adduunka ee 2018 oo hadda ka socda dalka Russia ayaa ilaa hadda waxaa siddeed dhammaadka u soo baxay xulalka France, Uruguay, Russia,
Croatia iyo Brazil.

PUNTLAND POST