Muuse Biixi oo ku wajahan Ceel-afweyn iyo Tukaraq

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maalmaha soo socda sida la filayo ku wajahan gobolada Sool iyo Sanaag oo ay ka jirto colaad.

Muuse Biixi ayaa marka hore safarkiisa ku tagi doona degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag oo ay ka taagan tahay colaad u dhaxaysa labo beelood oo walaalo ah, halka marka danbana uu soo mari doono deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo ay isku hor-fadhiyaan ciidamada Somaliland iyo Puntland, sidaas waxaa PUNTLAND POST u xaqiijiyay ilo wareedyo ku dhow madaxtooyada Somaliland.

Safarka Muuse Biixi ee gobolka Sanaag ayaa ku soo aadaya iyadoo maanta mid kamid ah beelaha ku dagaalamaya Ceel-afweyn oo muddo toban beri ah shir uga socday deegaanka gacan Libaax ay ka soo saareen qodobo qaar kamid ah lagu dhaliilay xukuumadda Muuse Biixi.

Sidoo kale safarka Muuse Biixi ku tagi doono deegaanka Tukaraq iyo gobolka Sool ayaa sii hurinaysa xiisada dagaal ee u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland oo hadaba mareysa heerkii ugu xumaa abid.

Sidaan oo kale bishii Janaayo ee sanadkan waxaa Tukaraq booqasho kedis ah ku tagey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici iyo wafdi uu hogaaminaya, kuwaas oo booqday fariisimada ciidamada Somaliland ee deegaankaas.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaaladii ka dhacay  deegaanka Tukarq  ee dhexmaray Somaliland iyo Puntland ay ku barakaceen dad ka badan 12 kun oo qof, waxayna labada dhinac ugu baaqday in aysan colaad kale hurin.

Deegaanka Tukaraq ayaa laga cabsi qabaa dagaal mar kale ku dhexmara Puntland iyo Somaliland oo isku haya gacan ku haynta gobolka Sool.

PUNTLAND POST