Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland oo amar ku bixiyay in la soo qabto xisaabiyihii hore ee gobolka Mudug

Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Xasan Aw Cismaan oo maantay xafiiskiisa saxaafada kula hadlay ayaa amar ku bixiyey in la soo qabto xisaabiyihii hore ee gobalka Mudug Barkhadle Aadan Muuse.

Xeer ilaaliyaha ayaa ku eedeeyey xisaabiyihi hore ee gobalka Mudug Barkhadle Aadan Muuse inuu lunsaday hanti dowladeed oo ay kamid yihiin mushaaraadkii shaqaalaha iyo ciidanka Puntland ee gobalka Mudug.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in xisaabiyihii hore ee gobalka Mudug uu baxsaday waxaana uu ka codsaday dowladda Federalka iyo Dowlad gobaleedyada inay u soo gacan galiyaan Puntland hadii ay arkaan Barkhadle Aadan Muuse.

 Hoose Ka dhegeyso shirka Jaraa,id ee xeer ilaaliyaha.

PUNTLAND POST