Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) oo ahaa sarkaal ka tirsan ONLF oo bishii Agoosto ee sanadkii hore dowladda federaalka Soomaaliya u gacan galisay Itoobiya ayaa maanta la sii daayay.
Sii daynta Qalbi-dhagax ayaa waxaa xaqiijyay Suldaan Fawsi Maxamed Cali oo kamid ah eheladiisa, oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga VOA.
Suldaan Fawsi ayaa sheegay in saaka labo saac magaalada Addis Ababa la sii daayay Qalbi-dhagax, wuxuuna xusay in sii deynta ay ka qeyb qaadatay dowladda federaalka Soomaaliya.
Dhiibistii Qalbi-dhagax oo sababtay qalalaase siyaasadeed kadib markii golaha wasiirada Soomaaliya sheegeen in dhiibistiisu ahayd mid sharci ah oo waafaqsan heshiisyo dhexmaray labada dowladood, iyagoona ku eedeeyay in uu xariir la lahaa Al-shabaab.
Halka baarlamaanka Soomaaliya iyo Madaxweyne Farmaajo ay iyagu ku tilmaameeb dhiibistaas mid sharci daro ah.
Sii deynta Qalbi-dhagax ayaa hadda la aamin san yahay in ay ka dameyso is bedelka siyaasadeed ee ka dhacay dalka Itoobiya, iyadoo ra’iisul wasaare Abiy intii uu joogay uu xasbiga ka sii daayay dad badan oo u xirnaa arimo siyaasadeed.
Qalbi-dhagax ayaa mudadii uu xirnaa noqdey shaqsigii loogu hadal heyn badnaa baraha bulshada iyo qalabka warbaahinta.
PUNTLAND POST