Muxuu ahaa u jeedka wafdigii Imaaraadka ee tegay Qardho iyo Badhan?

Boqor Burhaan iyo Amiir Sayid

Wafdi ka socda Imaaraadka Carabta oo ka soo kicitimay magaalada Dubai ayaa maanta gaaray magaalooyinka Qardho iyo Badhan ee Puntland, waxayna halkaas kula kulmeen isimo.

Wadigan oo uu hogaaminayay Amiir Sayid Maxamed Khaliifa ayaa ugu horeyn ka soo degay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ee Puntlland, waxaana loogu soo dhaweeyay si diiran iyagoo kulamo la qaatay Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo cuqaasha magaaladaaas.

Dhowr saacadood oo wafdigani ay ku sugnaayeen Qardho, kadib waxay u duuleen magaalada Badhan ee gobolka Sanaag waxay iyana halkaas kula kulmeen Suldaanka guud ee gobolkaas Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan iyo cuqaal.

Wafdigii Imaaraadka iyo Suldaan Siciid

Warbaahinta ayaa loo sheegay in socdaalka wafdiga Imaaraadka ka socda ee yimi Qardho iyo Badhan uu salka ku hayo sidii loo xoojin lahaa xiriirka dhaqan ee ka dhaxeeya labada shacab iyo labada dawladood ee Imaaraadka iyo Soomaaliya.

Balse warar xog ogaal ah oo ay heshay PUNTLAND POST ayaa sheegaya in wafdiga Imaaraadka ee tegay Qardho iyo Badhan uu daarnaa arrimo siyaasadeed oo la xiriira heshiiskii dekadda magaalada Boosaaso.

Wararka ayaa sheegaya in wafdiga Imaaraadka ay isimada kala hadleen sidii loo dhameyn lahaa murankii ka dhashay wareeginta dekadda Boosaaso ee u dhaxeeyay ganacsatada iyo dowladda , kaas oo markii danbe ay soo dhexgaleen isimadu ayna ka gaareen xal ku meel gaar ah oo dhexdhexaad ah.

Qaar kamid ah isamada Puntland oo ay hormuud u ahaayeen Boqor Burhaan iyo Suldaan Siciid Cabdisalaan ayaa bishii December ee sanadkii hore soo saaray go’aano ay kamid ahaayeen in Tariifo ay soo saareen si ku meel gaar ah looga dhaqan galiyo dekadda Boosaaso iyo in ay dowladdu soo bandhigto hashiiska balaarinta Dekedda Boosaaso.

Sidoo kale waxaa ilaa hadda dekadda Boosaaso oo ay maamusho shirkadda P&O Ports oo qeyb ka ah DP World ka shaqeeya go’aanadii isimada Puntland, iyadoo la laalay Tariifadii ay ku heshiiyeen shirkadda iyo dowladdu, waxaana go’aanadaas xiligaas wada qaatay shirkadda iyo dowladda.

Imaaraadka ayaa la sheegay in uu hadda go’aan sadey in isimada Puntlnad qaar ahaan kuwa ka soo jeeda gobolka Bari ay lagama maarmaan tahay in uu la wadaago xogta heshiiska dekadda Boosaaso oo markii hore ku koobnayd iyaga iyo dowladda, maadaama isimada ay leeyihiin shacabiyad badan ayna masiirka Puntland qeyb weyn ku leeyihiin.

Sidoo kale waxaa jira mashaariic hormarineed oo Imaaraadku u qorsheeyay in laga hirgaliyo deegaanada Puntland kuwaas oo ay kamid yihiin jidad, iskuulo iyo isbitaalo si shacabku ugu qanco heshiiska dekadda Boosaaso.

Heshiiska dekadda Boosaaso oo aan wali la dhameystirin mudana soo socday ayaa noqon doona heshiis seddex geesood ah oo u dhaxeyn doona Puntland, Itoobiya iyo DP Word, iyadoo uu kamid yahay afar dekadood oo dowladda federaalka iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen in lawada maalgashado,kuwaas oo laga maalgalin doono Imaaraadka.

Imaaraadka ayaa raba in uu qeyb ka noqdo maalgashiga afar dekadood oo Soomaaliya ku yaala oo ay kamid tahay Boosaaso si uu raad weyn ugu yeesho ganacsiga kobcaaya ee ka hanaqaaday geeska Afrika.

PUNTLAND POST