Dagaal ka socda gudaha magaalada Laascaano ee xarunta Gobolka Sool

Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaano iminka oo ay saacadda Soomaaliya ku beegan tahay abaaro 1:30 saq dhexe oo habeenimo ayaa sheegaya iska hor imaad la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan oo ka qarxay gudaha magaalada.

Qaar ka mid ah dadka magaalada oo la hadlay Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa u sheegay inay maqlayaan dhawaaqa rasaas la isdhaafsanayo oo xitaa la isku adeegsanayo hubka waaweyn oo ka socota gudaha magaalada, taasoo sida la rumaysan yahay u dhaxaysa ciidamo ka tirsan Somaliland iyo Dabley hubaysan kuwaas oo ku dagaalamaya agagaarka saldhiga bartamaha magaalada.

Dagaalka saqdhexe caawa ka socda Laascaano ayaa noqonaya midkii labaad oo muddo todobaad gudihiis ah dabley hubaysan ay ku weeraraan saldhiga Laascaano, Iyadoona horey uu u sheegtay maamulka Gobolka Sool ee Puntland iska hor imaadkii kan ka horeeyay, balse hadda faahfaahin lagama hayo summadda ay wadaagaan weerarkan iyo midkii ka horeeyay

Faahfaahinta kala soco Warbaahinta PUNTLAND POST.