Madaxweynaha Jubuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay heshiiskii ay horey u laaleen ee ay kula jireen shirkadda DP World oo maamulaysay dekadda Dooraale oo kamid ah dekadaha ugu muhiimsan dalkaas.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo wareysi gaar ah siiyay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in Dubai ay doonaysay in ay hormariso ganacsigeeda, halka Jubuutina ay doonaysay in ay kala faa’iideystaan.
“Dubai waxa ay ku jirtaa god, Jabuutina waxa ay taalaa badda horteeda, DP World waxay damacday in ay ilaaliso koodaas oo ay dekad kale oo horumarta helaan, anaguna waxaan ugu yeeranay waxay ahayd in suuqaas aan kala beddelano oo iyaguna ka faa’iideystaan anaguna aan ka faa’iideysano” ayuu yiri Ismaaciil Geelle.
Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in DP World ay diiday dhexdhexaadin iyo in dib u eegis lagu sameeyo heshiiskii ay horey u wada galeen, sidaas darteen uu isna wixii uu saxiixay xeer ku dumiyay, uuna u cuskaday dastuurka dalkiisa, sidoo kale waxa uu xusay in aysan diidin saamigiii maalgashiga ee DP World oo ahaa boqolkiiba 33.
Dowladda Jabuuti iyo shirkadda laga leeyahay Imaaraadka ee DP World ayaa heshiiska dekadda konteenarada ee Dooraale oo ahaa 50 sano kala saxiixday 31 October 2006, waxaana heshiiskaas Jabuuti laashay February 27, 2018.
Jabuuti ayaa sheegtay in dhibaatooyinkii heshiiskaas muranka ka dhaliyay ay kamid ahaayeen in Jabuuti ay dalkeeda ka dhisan weydo dekado cusub, dhabada tareenada ee cusub oo ay DP World ku dooday in ay dhexmareyso dhulkii lagu galay heshiiska iyo in ay canshuuro dheeraad ah ku soo rogtay badeecadaha Jabauuti u socda ee ay ganacsatada wadaniga ah leeyihiin.
Jabuuti ayaa hadda maamulkii dekadda konteenarada Dooraale si toos ah ugu wareejisay shirkad dowladu leedahay.
Hoos ka dhageyso Ismaaciil Cumar Geelle
PUNTLAND POST