Gobolka Mudug:- Arday lugtooda maasha oo iskuulka u aada masaafo 7 KM.

Tuulladda Margaaga waa kaam ay daris yihiin degmadda Bacaadwayn ee Gobolka Mudug,waxayna hoostagtaa magaalada Gaalkacyo,waxaa ka jira caqabado haysta ardeyda ku nool Margaaga,kuwaas oo socod dheer subax walba iyo maalin kasta waxbarasho u aada Iskuulladda ku yaala Bacaadweyn oo qiyaastii  7 KM u jirta Margaaga.

Ardeyda ku nool deegaanka Margaaga ayaa noqday kuwo maala markey u socdaan iskuulka lugtooda,waxayna tusaale u noqdeen baahida waxbarasho iyo ka cararka Jahliga oo waalidiinta reer Margaaga ku kaliftey inay caruurtooda ula bareeraan khatar dhinaca amniga ah gaar ahaanna ardayda Gabdhaha ah.

Arrintaan oo ah mid soo jirtay in muddo ah islamarkaana ay wali ku jiraan Ardeyda ku nool tuuladda Margaaga waxaa warbixin maqal iyo muuqaal ah ka diyaarshey Wariye Mukhtaar Suudaani oo ah suxufi madax banaan oo inta badan u ololeeya soo bandhiga baahiyaha bulshada taagta daran.

Daawo warbixinta.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.