Puntland oo ciidamo kayd ah ku daabulaysa Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool

Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool waxaa maanta gaarey ciidamo hor leh oo masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Puntland ay sheegeen inay yihiin ciidanka Kaydka Kumaandoosta ee Dowladda Puntland, Kuwaas oo la sheegay ujeedada ay halkaas u tageen inay la xidhiidho ka qeybgalka dagaalka Puntland kula jidho Somaliland.

Taliyaha la dagaalanka Argagixisada Puntland General Muxuyadiin Awmuuse, Wasiirka Amniga iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland ayaa kusoo dhaweeyay ciidanka maanta gaarey Aaga Tukaraq oo ay horey fariisimo ugu lahaayeen ciidamo farabadan oo ka tirsan Dowladda Puntland.

Xiisada colaadeed ee u dhaxaysa Puntland iyo Somaliland ayaa u muuqata mid sii xoogeysanaysa marba marka kasii dambeysa, wallow dhawr mar oo horre la sheegay in lagu guuldareystay jawi wada hadal qorshuhu ahaa in laga dhex abuuro labada dhinac.

Dagaalo culus oo labo goor oo horre deegaanka Tukaraq ku dhexmarey Puntland iyo Somaliland ayaa sababay dhimashada dad kor u dhaafaya boqol qof oo ah askarta labada dhinac.

Daawo.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST