Recep dayyip Erdogan oo Markale ku Guuleeystay Doorashada Turkey

Madaxweynaha Dalka Turkiga Mr Recep dayyip Erdogan ayaa markale ku guuleeystay Doorashada Madaxweynenimo ee dalka Turkiga.

Madaxweyne Erdogan ayaa helay 52.9% Codadka ilaa hadda la tiriyay taasi oo ka dhigeeysa in uu yahay hogaamiyaha Guuleeystay.

Mudanaha kale ee la Tartamayaya ee Muhharrem Ince ayaa isna helay 30.6% taasi oo ka dhigan in lagu guuleeystay inkastoo uu aad u la loolamay.

Guddiga Doorashada ayaa Goordhow ku dhawaaqaya Natiijada .

Durba Waxaa hambalyo u diray Madaxweynaha Dib loo doortay ee Turkiga Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Hambalyo uu ku soo qoray Twitterkiisa ugu hambalyeeyay madaxweyne Erdogan.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa taageero aad u balaaran u muujinayay Madaxweyne Erdogan.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post