Somaliland oo si taxaddar leh uga Jawaabtay go’aankii dhawaan kasoo baxay DF Soomaaliya

Hargeysa (PP) ─ Maamulka Somaliland ayaa sheegay in go’aankii kasoo baxay Dowladda Soomaaliya ee caalamka looga codsaday in la joojiyo deeqaha ay siiso Somailland, iyagoo sheegay in taasi ay tahay mid aanay waxba ka qaban karin oo culeys lagu saarayo. (Halkan ka akhriso warbixin ay PUNTLAND POST horey uga qortay ga’aan Dowladda Soomaaliya)

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Sacad Cali Shire oo la hadlayay BBC-da ayaa sheegay in Somaliland aysan ahan maamul ka mid ah Somalia inteeda kale, isagoo nasiib-darro ku tilmaamay in Somalia ay doonayso inay cunno-qabteyso Somaliland.

“Somaliland maaha gobol ka mid ah Somalia. Balse Somaliland iyo Soomaaliya waa laba dal oo kala jaad ah. Somaliland way 100-jirsatay, taariikhdana 30-sanno oo kaliya ayay labada dal isku soo gaareen. Soomaaliya waxba ma siiso Somaliland, cidda wax bixisa waa Alle oo keliya, Dalalka caalamka ee wax ka bixiya canshuuraha ay dadkooda kasoo ururiyaan, iyagaana go’aanka iska leh cidda ay wax siinayaan iyo cidda kale,” ayuu yiri Sacad Cali Shire.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Iyadoo aanay waxba ku xirnayn Soomaaliya waxa nasiib-darro ah inay kasoo baxaan hadallo ay doonayso inay ku cunno-qabteyso Somaliland, taasoo ka hor-imanaysa heshiiskii ay labada dhinac galeen sannadkii 2014-kii ee ahaa inaan la siyaasadayn wixii horumar iyo mucaawimo ah.”

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa sheegay in Beesha Caalamku ay Somaliland siiso wixii ay ugu talo-gashay, taasoo lagu saleynayo qorshaha Qaranka, deeqahaasna ma u soo mari jirin Somalia iyo cid kale toona.

“Marka hore anigu ma qabo Somaliland lama citiraafsana; Xubin kama nihin Midowga Afrika iyo Qaramada Midooba, balse Somaliland caalamku wuu yaqaannaa inay tahay Waddan taariikh leh oo Dowlad leh, Dowladda Somalia looma dooran Somaliland, waxayna Somaliland si gooni ah ula dhaqantaa caalamka haddii ay yihiin; Dowlado, hay’addo iyo shirkado intaba,” ayuu ku daray hadalkiisa wasiir Shire.

Dhanka kale, Wasiir shire wuxuu xusay in Somaliland ay ka maarmi karto qaaraan Beesha Caalamku siiso, isagoo yiri. “Cidda wax na-siisa haddii ay waxeeda iska haysato waxaanu ku samayn karno ayaanba jirin. Somaliland way soconaysaa oo wax iska beddelayaa ma jiraan haddii la joojiyo gabi ahaan deeqaha la siiyo. Cidda deeqda bixisa iyada go’aamisa cidda ay wax siinayso iyadoo aanay waxba ku xirnayn Somalia, waana Nasiib-darro inay Somalia cadaadis saarto Somaliland.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shir ayaa wax laga weydiiyay sida ay u arkaan in lagu wareejiyay maamulkii hawada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayuu ku jawaabay.

“Horta Hawadeenna ciddi miyay qaadan kartaa? Somaliland dhul, bad iyo hawo ayay leedahay cid hawadayada qaadan kartaana ma jirto. Somaliland wadahadal ayay kala leedahay arrinta hawada Qaramada Midoobay, waayo horay ayaa loogu heshiiyay in Hargeysa iyo Muqdisho laga maamulo hawada loona qaybsan lahaa dhaqaalaha kasoo xarooda, innaguna taas ayaanu weli ku taagannahay.”

Ugu dambeyn, Hadalka Wasiir Shire ayaa imaanaya iyadoo dhawaan ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay beesha caalamka weydiisatay in la joojiyo gabi ahaan dhaqaalaha sida gaar ah loo siiyo Somaliland, lanagana soo xiriiro Dowladda Soomaaliya wax walba oo la siinayo iyo heshiis walba oo lala galayo.

PUNTLAND POST