Isimada Puntland oo aan ka qeyb galin furitaankii baarlamaanka

Qaar kamid ah culumada Puntland

Furitaankii kalfadhigii 41-aad ee baarlamaanka Puntland ee maanta ayaa ka duwanaa kuwii hore marka la eego ka soo qeyb galayaasha.

Isimada Puntland ayaa maanta ka soo muuqan xarunta baarlamaanka Puntland, iyadoo badalkooda xarunta lagu dhex arkay qaar kamid ah culumada Puntland oo aan horey loogu arki jirin kalfadhiyada baarlamaanka Puntland.

Warar xog ogaal ah oo ay heshay warbaahinta PUNTLAND POST ayaa sheegaya in qaar kamid ah Isimada Puntland ugu miisaanka culus oo lagu casumay furitaanka kalfhiga 41-aad ee baarlamaanka Puntland ay ka gaabsadeen in ay ka qeyb galaan.

Sababta Isimada Puntland uga qeyb gali waayeen furitaan khalfadhigii ugu danbeeyay ee baarlmaanka Puntland ayaa lagu sheegay, kadib markii maalmihii dambe ay soo baxeen warar sheegaya in baarlamaanka iyo xukuumadda ay doonayaan muddo kororsi, inkastoo aan arintaas maanta looga hadlin furitaankii baarlamaanka.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa horey u sheegay in doorashada Puntland ay dhaceyso xiligeedii oo ahaa 8-da Janaayo ee sanadka 2019-ka, waxaana midaas soo dhaweeyay siyaasiyiin u taagan madaxtinimada Puntland.

Golaha baarlamaanka Puntland ayaa muddo xiliyeedkoodii dastuuriga ahaa ee 5 sano waxaa uga dhiman wax ka yar 3 bilood, halka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay u dhiman tahay muddo 6 bilood iyo maalmo ah, waxaana dagaal ka furan yahay gobolka Sool, kaas oo u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland

Dastuurka Puntland qodobkiisa 29-aad ayaa qoraya in golaha xukuumaddu ay si ku meel gaar ah xaalada deg deg ah u galin karaan Puntland muddo 30 beri ah, haddii ay dhacaan dagaal dalka lagu soo qaado, masiibooyin dabiici ah, cudurada faafa, gadood iyo xasilooni darro.

Sidoo kale dastuurka Puntland ayaa dhigaya in haddii 30 beri kadib ay wali taagan yihiin xaaladihii deg dega keenay ee ay soo rogeen golaha xukuumaddu in muddo kale oo 30 beri aan ka badnayn ay kordhin karaan baarlamaanka Puntland.

Tan iyo asaaskii Puntland 1998-dii waxaa dhacayay muddo kororsi ay sameynayeen dhamaan madaxdii soo martay Puntland.

PUNTLAND POST
GAROOWE