Qardho:-Hay’adda Somali Relief Network oo 40-neef oo Ari ah ku soortay carruur Agoonta.

Hay’adda Somali Relief Network North America oo mudo ka badan 27sano ka shaqaynaysay arimaha samafalka iyo gargaarka bini,aadantinimo ayaa 40 neef oo ari ah hilibkooda ku marti soortay caruurta agoonta ah ee dhigata dugsiga Daarul xanaan ee magaalada Qardho.

Sheikh Cabdulqaadir Yaasin oo ah maamulka Dugsiga Daarul Xanaan ee Qardho oo ah xarunta wax lagu baro caruurta agoonta ah ayaa Hay’adda uga mahadceliyey deeqdaan, wuuxuna sheegay inay tahay tallaabo ku dayasho mudan islamarkaana muujinaysa sidey u dareensan yihiin masuuliyiinta hay,addani baahida bulshada taagta daran ee ku nool gudaha dalka.

Guddoomiyaha Hay’adda Somali Relief Network North America Dr Aadan Maxamed Ciise Gaadaale oo khadka telefoonka uga qayb galay qado sharaftaan, isagoo ku sugan dalka Canada ayaa sheegay iney xoogga saaran mar walba daryeelka bulshada taagta yar iyo kuwa tabaalaysan ee ku nool gudaha dalka, wuxuuna xusay in Hay’adda Somali Releif Network sii wadi doonto howlaha samafalka ee lagu garab istaagayo danyarta iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada..

Cabdiqaadir Yaasiin oo ah maamulaha guud ee xarunta xanaanaynta agoonta ee magaalada Qardho ayaa ka warbixiyay xaaladda xaruntaan iyo baahiyaha ka jira, Isagoona xusay inay uga mahadcelinayaan cid kasta oo soo garab istaagta.

Somali Relief Network North America oo ah Hay,adda ay ku midoobeen Aqoonyahano,Culimo iyo Waxgarad u heelan gargaarka iyo caawinta dadka tabaalaysan ee ku nool gudaha Puntland ayaa inta badan dadaal ku bixisa gacan qabashada kumanaan qoys oo u baahan gurmad iyo gargaar bini,aadamtinimo.

Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST