Laascaano:-Odoyaal la kulmay xubno ka tirsan Madaxtooyada Hargeysa.

Wafti uu hogaaminayo La taliyaha arrimaha bulshada Madaxweynaha Somaliland oo maalmihii lasoo dhaafey ku sugnaa magaalada Laascaano ayaa maanta kulan la qaatey qaar ka mid ah Odoyaasha iyo Waxgaradka Laascaano kuwaas oo ay ka wada hadlay arrimo ku saabsan adkeynta nabadgalyadda magaalada iyo guud ahaan Gobolka.

Hadalo ay ka jeediyeen goobta qaar ka mid ah Odoyaashii iyo Waxgaradkii kulanka ka qeybgalay waxay ku baaqeen in la joojiyo colaada u dhaxaysa Puntland iyo Somaliland, waxayna si gaar ah fariin ugu direen qabaa,ilka ku nool mandiqada Puntland.

Masuuliyiinta ka socday Madaxtooyadda Somaliland ayaa sheegay dhankooda dhawrkii cisho ee lasoo dhaafey inay u joogeen magaalada Laascaano wacyigalin la xidhiidha sideysan saameyn muuqata aysan ugu yeelan lahayn bulshada Gobolkaas arrimaha siyaasada ku lug leh.

Maaha waftigii ugu horeeyay oo soo gaara magaalada Laascaanood, waxaana horey u yimid wafti heer wasiiro ah oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamanka Somaliland tan iyo intii ka dambeysay markii ay gudaha Laascaano kasoo cusboonaadeen kacdoono shacab oo ka dhan ah maamulka Somaliland kuwaas oo sida la rumaysan yahay  ka dhashay colaada u dhaxaysa Puntland iyo Somaliland.

Daawo.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST