Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Xubno la socda oo Gaaray Xarunta Maxkamadda ICJ

Hague (PP) ─ Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir iyo ergo ka kooban Qareenno iyo diblumaasiyiin ayaa Gaaray Maxkamadda Calaamiga ee Garsoorka (ICJ) ee magaalada Hague.

Ergadan ayaa waxaa ka mid ah Qareenno ay garwadeen ka tahay, Dr. Muna Al-sharman iyo danjiraha Somalia ee Midowga Yurub Cali Said Faqi, iyagoo u gudbin doona maxkamadda ICJ jawaabta gal-dacwadeedka muran badda ee u dhexeeya Somalia iyo Kenya.

Maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ayaa go’aamisay sanadkii hore inay qaadi doonto dacwadda muranka badda ee ka dhaxeeya Somalia iyo Kenya, kaas oo gaaray heer ay labada waddan si xukun iskula hadlaan.

Sidoo kale, Waxaa Maxkamadda ICJ ku sugan ergo ka socota Dalka Kenya oo iyaguna gudbinaya Gal-gacwadeedkooda, inkastoo ay horay hadallo aan munaasaba uga sheegeen maxkamadda dacwada qaadaysa.

Waddanka Kenya ayaa ku doodaya lahaanshaha dhul-badeed  lagu qiyaasay 100,000-km2 oo ku dhaw barriga Somalia, halka Somalia ay sheegayo in badda lagu muransan yahay uu ka mid yahay biyahooda.

Dhanka kale, Gudbinta dacwaddaan ayaa kusoo beegantay xilli dowladaha Somalia iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen inay iska kaashadaan arrimo badan oo ay ka mid yihiin maal-gashi dhanka dekedaha ah.

Ugu dambeyn, Dacwaddan ayaa lagu wadaa inay maxkamaddu go’aan kama dambeys ah ka gaarto marka ay dhageysato dacwadaha iyo jawaabaha ay bixinayaan labada waddan, iyadoo la filayo in Somalia dib loogu soo celiyo xuduud badeedeeda lagu muransan yahay.

PUNTLAND POST