Muran ka dhashay heshiiskii Soomaaliya iyo Itoobiya

Muran ayaa ka dhashay hadal uu warbaahinta Itoobiya ka jeediyay Ra’iisul wasaaraha dalkaas Abiy Ahmed, kadib booqasho uu sabtidii kaga soo laabtay Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Abiy oo ku hadlayay afka dalkaas ee Amxaariga ayaa ka hadlay heshiiiskii ay kala saxiixdeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo wuxuuna sheegay inay ku heshiiyeen in ay iska kaashadaan dhaqaalaha, mustaqbalkana ay shacabka mideeyaan oo ay noqdaan hal wadan oo dhameystiran.

“Wada hadalada na dhexmaray waxaan ku heshiinay arrimo rajo badan na geliyay sida inaan si ku meel gaar ah isaga kaashano dhaqaalaha, mustaqbalkana aan shacabkeena mideyno oo aan noqono hal wadan oo dhameystiran, waa in wadamada geeska Afrika hadii ay suuragal tahay noqdaan hal dal oo dhameystiran sida Dubai, ama Mareykanka ama Yurub, taas oo aan ka heli karno faa’iidooyin ballaaran caalamkana aan uga yeelan karno awood gorgortan, marka arimahaas ayaan kawada hadalnay” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Abiy.

Abiy oo dahalkiisa siiwata ayaa yiri “Habada taasi macnaheedu muxuu yahay, Soomaaliya waa dal juquraafi ahaan ku yaalla meel muhiim ah, laakiin biyaha badda ee intaas le’eg ee Soomaaliya ku wareegsan waxay noqdeen kuwo maalintiiba aan lagu arkeyn hal Markab, ma ahan biyo la cabi karo ama wax lagu beeran karo, marka in aan dhahno deked la’aan ayaa nahnay dhibaato ayay nagu tahay mustaqbalka fog marka la eegana arintaasi dhibaato iyo waxyeelo weyn ayay nagu yeelanaysaa”.

Dhanka kale hadalka Ra’iisul wasaare Itoobiya waxaa ka jawaabay Wasiirka Warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle, wuxuuna beeniyay in ay ku heshiiyeen in labada dal la mideeyo.

Daahir Maxamuud Geelle oo la hadlayay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in heshiiska ay wada galeen Itoobiya uu ku saabsanaa iskaashiga amniga, diblomaasiyadda iyo dhaqaalaha, wuxuuna intaas ku daray in heshiiskani ahaa mid muddo soo socday oo ay soo wadeen dowladihii hore.

Wasiir Daahir Geelle oo wax laga weydiiyay hadalkii Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ee ahaa in labada dal la mideeyo oo laga dhigo hal dal ayaa ku jawaabay in ay wada hadleen labo dal oo daris ah oo kala madaxbanaan.

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa 16-kii bishan June Muqdisho ku kala saxiixday heshiis ka kooban 16 qodob oo ay ku jiraan kuwo xasaasi ah, waxaana heshiiskan labada waddan u kala saxiixay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed.

Qodobka 7-aad ee heshiiskaas ayaa dhigayay in la isku raacay in si wadajir ah loo maal-gashado afar dekadood oo muhiim ah oo ku yaala Soomaaliya, lamana soo bandhigin magacyadda goobaha loo qorsheeyay dekedahaas, base waxaa loo badinayaa in ay yihiin Berbera, Boosaaso, Marka iyo Hobyo.

Qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed ayaa heshiiskaasi ku tilmaamay in uu yahay damac Itoobiya ay in badan ku taameysay oo hirgalay, halka qaar kalena ay ku tilmaameen in ay tahay isku soo dhowaansho u dhaxeeya labada dowladood oo ay horay uga dhaxeysay xurguf.

Itoobiya oo haysata shacbiyad ka badan boqol malyan ayaan la heyn bad, halka Soomaaliya oo leh bada ugu dheer Afrika aysan la heyn shacbiyad ka fa’iideysata.

PUNTLAND POST