Banaabax lagu taageerayo ciidanka Puntland oo maanta ka dhacay Degmada Dongoroyo.

Degmadda Dongoroyo ee Gobolka Nugaal waxaa maanta ka qabsoomay banaanbax lagu taageerayo ciidamada Puntland ee ku sugan difaaca Aaga Tukaraq ee Gobolka Sool, waxaana fagaare ku yaala Dongoroyo kula hadlay boqolaal qof oo ka qeybgalaya mudaharaadkan masuuliyiin ka tirsan maamulka Degmadda Dongoroyo.

Shacabka banaanbaxa samaynayay ayaa sitey calanka Soomaaliya iyo kan maamul Goboleedka Puntland, waxayna ku qeylinayeen ereyo ay ka mi ahaayeen “ Ciidanka Puntland guulaysta” Jabiya Soomaali diidka iyo Ereyo kale.

Sidoo kale banaanbax la mid ah midka maanta ka dhacay degmadda Dongoroyo ee Gobolka Nugaal ayaa ka qabsoomay Caasimadda Dowladda Puntland ee magaalada Garoowe, halka maalmo ka hor isu soo bax lagu taageerayo ciidamada Puntland uu ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Somaliland ayaa weli isku horfadhiya deegaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool xilli labaa maamul ee dariska uu halkaas ku dhexmarey dagaalo culus oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Abshir Dhiirane.

PUNTLAND POST