Wararkii ugu dambeeyey xiisada dagaal ee gobalka Sool

Siyaasi Xassan Geerash oo kamida Siyaasiyiinta kasoo jeeda gobalka Sool oo ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta gobalkaas ayaa sheegay in magaalada uu ka bilowday qax baahsan oo ay samaynayaan dadweynaha magaaladaas.

Siyaasigan ayaa sheegay in magaalada laga qaxinaayo dadkii nuglaa sida caruurta iyo haweenka, wuxuuna dadweynaha ugu baaqay inay isdejiyaan ayna joojiyaan qaxa ay wadaan.

Siyaasi Xassan Geerash ayaa sheegay inuusan dagaalku weli soo gaarin magaalada Laascaanood aysana jirin sabab xiligan magaalada looga qaxo.

Dhinaca kale warar soo gaaraaya Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa sheegaaya in labada ciidan ee isku hor fadhiya gobalka Sool ay wadaan diyaargarow dagaal oo xoogan, waxaana muuqata inay gabi ahaanba guul daraysteen dhex-dhexaadin ay wadeen beesha caalamka iyo wadamada deriska, kadib markii labada dhinac mid weliba soo jeediyey sharuudo adag oo uusan la’aantood wada hadal bilaaban karin.

Sidoo kale wararka aan ka helayno magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in gudaha magaaladaas laga dareemaayo saan-saanta collaadeed ayna dadweynuhu bilaabeen inay lasoo baxaan hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana bartamaha magaaladaas siweyn loogu arkayaa dhalinyaro aan qabin tuutaha ciidanka lagu yaqaan oo ku hubaysan qoryaha fudud.

Wararka soo gaaraaya PUNTLAND POST ayaa intaa ku daraaya in Somaliland ay bilowday inay hareeraha magaalada Laascaanood ay ka qodato dhufaysyada ay ciidamadu ku dagaalamaan, wana tan cabsida ugu weyn ku abuurtay dadweynaha reer Laascaanood, iyagoo ka baqaaya in aakhirka magaalada lagu kor dagaalamo.

Daawo Xassan Geerash oo ka hadlay qaxa Laascaanood 

PUNTLAND POST