Maamulka Gal-Mudug ayaa ku dhawaaqday in bari ay tahay maalinta 1-aad ee ciidul Fidriga.
Madaxa Xukuumada Gal-Mudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan Ayaa Goordhow ku dhawaaqay in ay bari u dabaaldagayaan maalinta Ciida.
Sh.Shaakir ayaa sheegay in bishii laga arkay deegaano katirsan Gal-Mudug iyo Gobolada kale ee dalka Soomaaliya.
Ciidaan ayaa u muuqato in dadku ay si wadajir ah ay ugu dabaaldagayaan Bilashadeeda islamarkaasina aanay jirin wax qilaaf ah.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho