Puntland amartay in degaannadeeda laga xannibo SNLTV

Wareegto ka soo baxday Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa lagu amray shirkadda DSAT in ay sida ugu dhakhsaha badan Sanduuqa kannaallada uga saarto, TV-ga ku hadla Afka Somaliland.

Qoraalka laguma faahfaahin arrimaha keenay in shirkadda DSAT amarkaan la siiyo,balse waxaa lagu soo koobay,sababa jira awgood, in TV-ga Somaliland looga saarayo Sanduuqa kannaalada ee DSAT,waxaana go’aankan saamaynaya keliya ah dadweynaha ku nool degaannada Puntland oo aan hadda wixii ka dambeeya fursad u heli doonin daawashada TV-ga ku hadla Afka Somaliland.

Dagaalka warbaahinta ee u dhexeeya maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa maalmahan dambe kordhay,xilli weli ciidamada labada dhinac ay isku horfadhiyaan degaanka Tukaraq ee gobolka Sool,halkaasoo ay ka taagantahay xiisadda colaadeed ee ka dhalatay dagaalladii ka dhacay degaankasi.

Halkaan ka akhriso Wareegtada.

PUNTLAND POST