Ra’iisul Wasaare Khayre oo ka dhawaajiyay hadal uu ku difaacayo ciidamada Xasilinta

Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo ay waheliyaan Wasiirka Amniga Gudaha, Taliyayaasha Booliska iyo Asluubta, ayaa xalay kormeer ku tagay Xarunta dembi baatista (CID), Taliska Booliska, Dugsiga tababarka Gen. Kaahiye, Xarunta Gaadiidka Ciidanka Booliska, Taliska Ciidanka ilaalada Nabad gelyada wadooyinka iyo qaar ka mid ah isgoysyada Ciidamadu ka wadaaan Hawl-gallada ammaanka lagu sugayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo indho indheeyay sida ay u socdaan howlaha sugida amniga caasimdda iyo qaabka ay ciidamadu ula dhaqmaan shacabka Soomaaliyeed, waxuuna bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ay hayaan ciidamada Qaranka iyo sida ay heeganka ugu yihiin habeen iyo maalin dalkooda iyo dadkooda, isagoo kula dardaarmay in ay shacabka kula dhaqmaan macaamil wanaagsan iyo Ixtiraam, shacbkana ka codsaday in la shaqeeyaan ciidanka amniga.

“Waxa aan aad ugu mahadcelinayaa shacabka Soomaaliyeed oo aad dulqaad u muujiyay lana shaqeeya ciidamada sugidda Amniga. La shaqeynta ciidamada waxa ay qeyb weyn ka tahay in nolosha magaalada wax laga bedelo. Waxaan idiin ballan qaadeynaa in aan sii dardar gelin doonno oo aan gaari doonno waqti aan baaritaan badan loo baahneyn. Ciidamadu waxa ay ka shaqeeyaan in ay badbaadiyaan nafta dadka Soomaaliyeed, waxa aan idinka codsaneynaa in aad u dul qaadataan oo aad kala shaqeysaan dadaaalkaas,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Khayre.

“Waxa aan u mahadcelinaya ciidanka oo qabtay shaqo wanaagsan oo ay ku difaacayaan dadka Soomaaliyeed. Waa in aad si sharaf leh ula dhaqantaan oo aad ixtiraamtaan shacabka Soomaaliyeed ee aad amnigooda sugeysaan. Ciidanku waa astaanta qaranka ee Fadlan Muujiya astaantaas”, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu kula dardaarmay ciidanka.

Kormeerka xalay ayaa qeyb ka ah Socdaallada uu Ra’iisul Wasaare Khayre sida joogtada ah ugu tago xarumaha ciidanka iyo goobaha ay ku suganyihiin ciidanka sugaya amaanka shacabka, si loogu dhiirri geliyo shaqada wanaagsan ee ay u hayaan qaranka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, hadalka Ra’iisul wasaaraha ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo shalay ay ciidamada amniga ee ay u xiran yihiin waddooyinka Muqdisho ay toogasho bareer ah ku dileen laba wiil oo waday mooto bajaaj, iyadoo aan la ogeyn illaa hadda sababta keentay inay askartu toogtaan dhallinyaradaas bajaajleyda ah oo dhawaan xad-gudubyo ka dhan ah meheradooda ka dhigay Muqdisho.

PUNTLAND POST