Madaxweyne Farmaajo oo dharkii Ciida ugu deeqay Ciidamada Naafada Xooga Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Dharka Ciida ugu deeqay Ciidamada Naafada xooga Dalka Soomaaliya.

Ciidamadaan oo ah kuwii ku naafoobay dagaaladii ay Dowlada Soomaaliya lagashay dowlada Itoobiya ayaa waxaa ku jiraan Isbitaalka Martiini ee Muqdisho.

Gudoomiye ku xigeenka Xaga amniga iyo siyaasada ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lacagtaasi ku doonsiiyay Ciidamada Naafada.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in dharkaasi ciida uu u isaga u soo wakiishay Madaxweyne Farmaajo in uu gaarsiiyo Naafada Ciidamada Xooga.

“Hadiyaddan aan idiin keenay waxaa ii soo wakiishay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo runtii jeclaa in uu gacantiisa idin ku guddoonsiiyo, Waxaan ogsoonnahay in mushaharka aad qaadataan uu idiin bilaabay bur burka kaddib Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xilligii uu Raiisul Wasaaraha, markastana aad xiriir dhaw la leedihiin, hadaba dhammaan arrimahaan waxa ay ka tarjumayaan sida ay idiin xasuusan tahay DFS, gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo.” ayuu yiri Gudoomiye Tuulax.

 

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho