Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha Puntland oo soo bandhigtay Siyaasado loo diyaariyey shaqaalaha dawladda

Wasaaradda shaqada, shaqaalaha, dhallinyarada iyo ciyaaraha dawladda Puntland oo kaashanaysa Baanka adduunka ayaa qabatay shir lagu soo gunaanadayo siyaasado gaaraya 14 siyaasadood kuwaas oo loogu talo galay tayaynta hay’adaha dawladda iyo horumarinta shaqaalaha.

Siyaasadahaan oo ay soo diyaariyeen xeeldheereyaal isugu jira Soomaali iyo Ajaanib isla markaana ay in muddo ah laga samaynayey latashiyo kala duwan ayaa lasoo gaarsiiyey heer gebagebo ah iyadoona maanta loo diyaarinayo in lagu sameeyey indho indhayn guud kadibna loogu gudbiyo goleyaasha dawladda si ay u meel-mariyaan.

Siyaasadaan ayaa waxaa kamid ah siyaasadda maamulka shaqaalaha, siyaasadda hawl-gabka, siyaasaddaa tayaynta iyo tababarka shaqaalaha, siyaasadda axshaxa iyo la sosocdka shaqaalaha, siyaasadda qiimaynta iyo kor u qaadista aqoonta shaqaalaha iyo siyaasado kale oo dhowr ah.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Cabdiraxmaan Sheekh Axmed, Wasiir kuxigeenka Cabdi Ismaaciil, iyo Agaasimaha hay’adda Astaynta Maamul Wanaagga iyo la dagaallanka musuqmaasuqa iyagoona dhammaantood kelimada bogaadin dhiirrigelin iyo dardaaran ah ka jeediyey goobta.