Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaarada Caafimaadka oo iska-kaashanaya Xoojinta…

Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in Wasaaradda Caafimaadka DFS ay ka wada hadleen sidii la isaga kaashan lahaa baahinta adeegyada Caafimaadka ee Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, ayaa kulan la qaatay Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka SoomaSomalia Drs. Fowsiya Abiikar Nuur iyo howlwadeenada Wasaaradda, waxana dood dheer laga yeeshay sidii loo wanaajin lahaa tayada adeegyada iyo faya-dhowrkooda, si bulshadu u helaan adeeg caafimaad tayo sare leh.

“Waxaan ka wada hadalnay Wasaaradda isku xirka adeegyada Caafimaadka iyo sidii loo horumarin lahaa caafimaadka Gobolka Banaadir, maadaama bulshada ugu badan Gobollada dalka ay ku nool yihiin Caasimadda, waxaa lagama maarmaan ah in la helo nidaam caafimaad la isku halayn karo,” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Sidoo kale, Yarisow ayaa ku tilmaamay kulankan dhex-maray Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Caafimaadka XFS mid dhabaha u xaaraya in dadka Caasimaddu ay helaan adeegyo Caafimaad oo tayo leh, isla markaana labada dhinac ka wada shaqeyn doonaan hirgelinta arrintan.

Ugu dambeyn, Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Drs. Fowsiya Abiikar Nuur ayaa uga mahadcelisay Maamulka Gobolka Banaadir wada-shaqeynta kala dhaxeysa iyo sida ay mar walba diyaar ugu yihiin in Shacabka ku nool Caasimaddu in ay helaan adeeg Caafimaad wanaagsan.

PUNTLAND POST